Haweenka u bareeray inay ka dagaallamaan jiidda hore ee dagaalka Ukraine

H

“Iska cabbinteena haatan waxay leedahay waji dumarnimo” Sidaas waxaa barteeda Instagram-ka ku qortay marwada koowaad ee Ukraine.

Olena Zelenska, xaaska madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa dadka la wadaagaysay sawirro cajiib ah oo muujinaya dadaalka haweenka iyo sida ay dalkooda u difaacayaan duullaankii Ruushka ka dib.

Maahan sawirrida ay soo geliso Zelenska oo qura – waxaa jira sawirro oodda looga soo qaaday baraha bulshada oo muujinaya haween hubaysan oo xiran dharka ciidamada diyaarna u ah in ay galaan dagaalka ka socda Ukraine.

Qoysaskii ayaa kala abaaday iyadoo malaayiin qof oo haween iyo carruur u badan ay u carareen galbeedka si ay nabadgelyo u helaan, halka raggii iyo aabbeyaashii ay dalka ku hareen si ay magaalooyinka uga difaacaan duullaanka Ruushka.

Si kastaba ha ahaatee, haween badan oo ay ka mid tahay Zelenska ayaa ku haray dalka, waloow ay khatar weyn wajahayaan.

Hoos ka akhriso sheekooyinka shan haween ah oo furinta hore ee dagaalka ku jira.

Kira Rudik – ‘Dagaalku waa mid cabsidiisa leh, balse waan caraysnahay’

“Waligeey qori ma taaban dagaalka ka hor,” ayay Kira Rudik oo ah xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka. “Mana ahayn wax mudnaan ii lahaa.

“Balse markii uu duullaanku bilowday oo aan helay fursad aan qori ku heli karo, aad baan ula yaabay in aan go’aansaday inaan qoriga qaato”

“Wuxuu ahaa wax culus oo sidii birtii iyo saliiddii u soo uraya”.

Ilaa hadda maxaan ka ognahay dagaalka Ukraine? maxaa dhacay?

Wararki ugu dambeeyey dagaalka Ukraine

Colaadda Ukraine: Maxay tahay tallaabada xigta ee u furan Ukraine?

Rudik waxaa lagu daray ciidanka difaacaya magaalada Kyiv, waxaana loo dababarayaa sidii ay u difaaci lahaayeen caasimadda Ukraine.

Way qarisaa meesha ay joogto, waxayna sheegtay in ciidamada sirdoonku ay uga digeen in ay ku jirto liiska madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin’s ee la baadigoobayo.

Iyadoo ay taasi jirto, waxay sii wadatay shaqadeedii sare ee hoggaanka xisbiga Codka ee baarlamaanka Ukraine, iyadoo sidoo kale ilaalinaysay xaafadeeda iyada iyo unugteeda.

Sawirka Rudik oo qorigeeda wadata ayaa markiiba ku faafay baraha bulshada, waxayna sheegtay in taasi ay soo jiidatay in haween kale ay qoryaha qataaan.

“Waxaa si gaaray farriimo badan oo ka imaanaya haween ii sheegaya in ay dagaallamayaan.” ayay BBC-da u sheegtay.

“Ma naqaan waxa uu dagaalkani ku dambayn doono, laakiin waxaan ognahay in dhammaanteen ay tahay in aan dagaalanno si aan u ilaalino sharafteena, jirkeena, caruurteena.

“Dagaalku waa mid cabsidiisa leh, balse waan caraysanahay, waana waxa keenaya in aan dalkayga u dagaallamo.

44-ta milyan ee qof ee ku nool Ukraine, 23 milyan oo ka mid ah waa haween, sida uu sheegay Bangiga Adduunku, waxaana ciidamada dalkaas ku jira saami badan oo haween ah.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in 15.6% ka mid ah askarta ay haween yihiin, tiradaas oo laba jibbaarmatay tan iyo sannadkii 2014-kii.

Tiradaas ayaa hadda sidii hore aad uga badan ka dib markii bishii December lagu dhawaaqay in dhamaan haweenka da’doodu ay u dhaxayso 18-60 jir ee jir ahaan caafimaad qaba ay iska diiwaan geliyaan ciidamada.

Wali ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay dagaalka Ukraine tan iyo markii uu Ruushku ku soo duulay, balse masuuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in dad rayid ah oo kun qof kor u dhaafaya ay dhinteen tan iyo markii uu duullaanku bilowday 24-kii Feberaayo.

Suurto gal maahan in tiradaas la xaqiijiyo, balse warbixin ay Qaramada Midoobay soo saaraty 8-kii March ayaa lagu sheegay 516 qof ay dagaalku ku dhinteen.

Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in kumanaan ka tirsan labada dhinac ee dagaallamaya ay naftooda ku waayeen iyadoo wararka ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkas ay qabsadeen warbaahinta caalamka, waxaase aad uga sii badan dadka dagaalkaas ku dhaawacmay.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in labadii toddobaad ee ugu horreeyey dagaalka ay dhinteen 1,300 oo askari oo reer Ukraine ah.

Marharyta Rivachenko – ‘Ma jirto meel aan u cararayo’

Marka laga soo tago siyaasiyiinta, haweenka caadiga ah ayaa sidoo kale si mutadawacnimo ah uga qayb qaadanaya dadaalka dagaalka.

Dhowr maalmood ka hor inta uusan duullaanku billaaban, Marharyta Rivachenko waxay ula dabaaldegtay dhalashadii 25aad ee Budapest, Hungary, iyada iyo saaxiibadeed.

Hadda, waxa ay baratay sida loogu seexdo dhawaqa rasaasta iyo duqaymaha ay Ruushku ku hayaan magaaladeeda.

“Markii uu dgaaalku bilowday qoyskaygu waxay ku sugnaayeen Kharkiv aniguna waxaan kaligay joogay Kyiv. ma haysan meel aan u cararo” ayay BBC-da u sheegatay.

“Ma rabin inaan baxo, waxaan rabay inaan wax uun sameeyo, sidaas darteed waxaan go’aansaday inaan ku biiro difaaca dhulka.”

Rivachenko waxay qaadatay koorasyada gargaarka degdegga ah si ay u noqoto dhakhtarad ka tirsan guuteeda oo hadda waxay si mutadawacnimo ah u noqotay kaaliyaha kalkaalisada.

Aad ayaan u cabsanayaa,” ayay tidhi. “Waan jeclahay nolosheyda, waxaana doonayaa inaan noolaado, laakiin nolosheydu waxay ku xiran tahay dagaalkan, marka waa inaan wax ka qabtaa sidii aan u joojin lahaa.”

Yustyna Dusan – ‘Mudnaantayda koowaad waa inaad badbaado’

Qof kastaa ma awoodo inuu ku biiro unugyada difaaca dhulka sababtoo ah waxay haystaan tabaruceyaal aad u badan oo aan qof kastaa haysan waayo-aragnimo ku filan oo uu ku badbaado.

Lataliyaha shaqaaleysiinta IT Yustyna Dusan waxay u istaagtay wax kasta oo ay ku caawin karto dalkeeda.

“Hadda waxaan ku jiraa kaydka, waxaanan diyaar u ahay inaan dagaallamo,” ayay tidhi. “Waxaa la ii daadgureeyay Lviv, maadaama aanan haysan hub ama baabuur si aan u caawiyo, anigu kuma aan shaqayn Kyiv.

“Marka, waxaan hadda si mutadawacnimo ah ugu shaqaynayaa aag nabdoon si aan gacan uga geysto abaabulka sidii qalab iyo gargaar bini’aadanti loogu soo celin lahaa jiidda hore.”

Dagaalka ka hor Dusan waxay u dhaqdhaqaaqi jirtay xuquuqda xayawaanka. Laakin, waxay sheegtay in aysan hadda lahayn awood shucuureed oo ay xoolaha uga werwerto.

“Waa masiibo in xayawaanka lagu dayaco magaalooyinka si ay u dhintaan,” ayay tiri. “Laakin muhiimadeyda ayaa ah inaan noolaado, si aan u caawiyo ciidamada qalabka sida oo istaagi doona ilaa dhamaadka.

“Carruurteena way dhimanayaan, waxayna rabaan inay dilaan qof kasta oo Yukreeniyaan ah, waxaanan dareemaynaa kalinimo.

About the author

Olivia Wilson
By Olivia Wilson

Categories

Get in touch

Content and images available on this website is supplied by contributors. As such we do not hold or accept liability for the content, views or references used. For any complaints please contact adelinedarrow@gmail.com. Use of this website signifies your agreement to our terms of use. We do our best to ensure that all information on the Website is accurate. If you find any inaccurate information on the Website please us know by sending an email to adelinedarrow@gmail.com and we will correct it, where we agree, as soon as practicable. We do not accept liability for any user-generated or user submitted content – if there are any copyright violations please notify us at adelinedarrow@gmail.com – any media used will be removed providing proof of content ownership can be provided. For any DMCA requests under the digital millennium copyright act
Please contact: adelinedarrow@gmail.com with the subject DMCA Request.