Manchester United iyo Chelsea oo ku kala bixi doona wareegga 5-aad ee FA Cup-ka

M

Kooxda Chelsea ee difaacaneysa koobka FA Cup-ka ee dalka Ingiriiska ayaa marti galin doonta kooxda Manchester United oo horay koobkan ugu guuleysatay 12 jeer.

Labadan kooxood oo uu sannadkan xifaaltan gaar ah ka dhexeeyo marka laga hadlayo FA Cup ayaa isku arkay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee dhacday sannadkii hore.

Inkastoo ay Chelsea kulankaas ku hanatay koobka, waxa ay hadda u muuqataa sidii in ay ciyaartaas ku celis tahay, maadaama ay labada kooxood midkood go’aan ka gaari karto in kooxda ka soo horjeedda aysan gaarin ilaa Fiinaalka.

Taasi micnaheeda waa in ciyaarta dhex mari doonta Chelsea iyo Manchester United ay tahay mid kama dambeys ah isla markaana aysan dhaceynin in labadan kooxood ay sidii sannadkii hore fiinaalka u wada gaaraan.

Manchester United oo garaacday Leicester City
Chelsea oo ka adkaatay Southampton
Manchester United oo fasaxaysa Ibrahimovic
Dhinaca kale, haddii aynu eegno isku aadka kooxaha kale ee ku jira tartankan, kooxda ka ciyaarta horyaalka League Two-ga ee Newport County ayaa fursad u heysata iney marti galiso kooxda Manchester City ee heysata horyaalka Premier League.

Laakiin waa haddii Newport County ay kusoo adkaato ciyaarta ku celiska ah ee ay la yeelan doonto kooxda Middlesbrough.

Naadiga Doncaster Rovers oo ka tirsan horyaalka League One-ka ayaa rajeyneysa iney ka soo baxdo kooxda Crystal Palace oo ay isku soo aadeen.

Kulamada wareegga 5-aad ayaa dhici doona inta u dhaxeysa 15-ka ilaa 18-ka bisha Febraayo.

Isku aadka wareegga 5-aad oo dhammeystiran:

Bristol City waxay ka hor tagi doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Shrewsbury Town iyo Wolverhampton Wanderers

AFC Wimbledon waxay la ciyaari doontaa Millwall

Doncaster Rovers waxaa garoonkeeda ugu imaaneysa Crystal Palace

Manchester City waxay marti u noqon doontaa mid ka mid ah labada kooxood ee kala ah Middlesbrough iyo Newport County

Chelsea waxay foodda dari doontaa Manchester United

Swansea ayaa ka dhur sugeysa kooxdii soo adkaata kulanka dhex mari doona Barnet iyo Brentford

Watford waxay u safri doontaa Portsmouth ama Queens Park Rangers midkood.

Kooxda Derby County ayaa iyadana ka hor tageysa middii soo baxda labada kooxood ee kala ah Brighton & Hove Albion iyo West Bromwich Albion.

About the author

Olivia Wilson
By Olivia Wilson

Categories

Get in touch

Content and images available on this website is supplied by contributors. As such we do not hold or accept liability for the content, views or references used. For any complaints please contact adelinedarrow@gmail.com. Use of this website signifies your agreement to our terms of use. We do our best to ensure that all information on the Website is accurate. If you find any inaccurate information on the Website please us know by sending an email to adelinedarrow@gmail.com and we will correct it, where we agree, as soon as practicable. We do not accept liability for any user-generated or user submitted content – if there are any copyright violations please notify us at adelinedarrow@gmail.com – any media used will be removed providing proof of content ownership can be provided. For any DMCA requests under the digital millennium copyright act
Please contact: adelinedarrow@gmail.com with the subject DMCA Request.